Help for community services
Advice or support for community service workers assisting tenants.
Advice or support for community service workers assisting tenants.
Haddii aadan ogolaan go’aanka uu gaaray Director of Housing* waxaa laga yaabaa inaad awoodo inaad racfaan ka qaadato go’aanka, oo micnihiisu yahay weydiinta in go’aanka din loo eego.
Waxaad sameyn kartaa racfaan haddii aad:
Waxaad ka qaadan kartaa go’aamada racfaan ku saabsan:
Administrative Tribunal (VCAT) dib looguma eegi karo nidaamka racfaanka guryaha.
Arimahan waxaa ka mid ah:
Kala hadal waxaad saluugsan tahay xafiiska guriyeynta xaafadaada. Haddii aadan weli ku faraxsaneyn go’aanka, waxaad soo xareyn kartaa racfaan.
Waa wanaagsan tahay haddii aad u bilowdo racfaankaaga sida ugu dhakhsaha badan. Waa bilaash inaad racfaan qaadato racfaankaaguna wuxuu noqonayaa mid qarsoon, laakiinse uma baahnid inaad qoraal ka soo dhigto.
Si aad racfaan uga qaadato go’aan waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso housing Appeal Applciation Form oo aad u soo gudbisid Housing Appeals Office. Sharax waxaad racfaanka ka qaadaneysid iyo sababta.
7 Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama aad u baahan tahay caawimaad buuxinta codsigan la xiriir Housing Appeals Office 03 9096 7426 ama 1800 807 702 (wecitaan bilaash ah) deganayaasha tuullooyinka ama kala xiriira Tenants Union wixii tallo ah 1800 068 860.
Mar haddii aad gudbiso codsigaaga racfaanka waxaad ka heli doontaa warqad in la helay ah Housing Appeals Office.
Racfaankaaga waxaa bilow ahaan tixgelinaya shaqaalaha guriyeynta ee khibrada badan leh ee gobolka aad degan tahay isagoo eegaya macluumaadka codsigaaga ku qoran.
Maareeyaha Adeegyada Guriyeynta waa inuu kula soo xiriiraa si uu kaala talliyo adiga natiijada dib u eegidaan bilowga ah 10 maalmood oo shaqo gudahood ee taariikhda racfaankaaga la helay.
Haddii Maareeyaha Adeegyada Guriyeynta iskama bedelayo go’aankii asalka ahaa ka dib waxaa loo dirayaa Maareeyaha Racfaanka Guriyeynta oo si madax bannaan u jeegareynaya in nidaamka iyo qorshaha Agaasimaha Guriyeynta si sax ah loogu dhaqmay.
Maareeyaha Racfaanka waxaa laga yaabaa inuu kula soo xiriiro si uu kaala hadlo Racfaankaaga taleefanka ama inaad wareysi ballansato. Wareysigan, waxaad awoodi doontaa inaad sharaxdo xaalladaada iyo inaad bixiso macluumaad dheeraad ah. Waxaa laga yaabaa inaad codsato in turjumaan lagu isticmaalo wareysi kasta.
Waxay la socotaa xagga kale Haddii aan Maareeyaha Racfaanku kula soo xiriirin hal bil gudaheed ka dib markaad gudibiso racfaankaaga, waa inaad wacdaa Housing Appeals Office.
Mar haddii la baaro racfaankaaga Housing Appeals Office, waxaa laguu soo diri doona warqad kuu sheegaysa natiijada.
Haddii aadan ku faraxsaneyn natiijada Racfaankaaga guriyeynta waxaad la xiriiri kartaa Ombudsman Victoria ama, haddii aad rumeysan tahay in lagu takooray, Human Rights and Equal Opportunity Commission.
Ombudsman of Victoria wuxuu baari karaa racfaanada ku saabsan falalka maamulka iyo go’aamada ay sameeyeen Director of Housing, iyo wax ku saabsan dhaqanka iyo dabeecada shaqaalaheeda. U cabashada Ombudsman ka waa bilaash.
Ombudsman wuxuu siin karaa tallo bixin madax bannaan Agaasimaha Guriyeynta. Waxaad kala xiriiri kartaa Ombudsman Victoria 03 9613 6222 ama 1800 806 314 (wecitaan bilaash ah) deganayaasha tuullooyinka.
Victorian Equal Opportunity and Human Rights Commission waxay caawisaa dadka inay xaliyaan arimaha la xiriira ka takoorida iyo dhibida.
Guddiga ayaa caawin doona inuu xaliyo racfaanka heshiis labada dhinac ah. Kula xiriir Guddiga bilaash iyo tallo qarsoon 1300 292 153.
Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.
Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ama caawimaad, fadlan nala soo xiriir.
Appealing a public housing decision | Somali | June 2012

