Coronavirus (COVID-19) update: Temporary changes to Victoria’s laws on renting homes. Find out more
Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.
Haddii ay kula tahay in mulkiilahaagu ama wakiilka gurigu in uu u dhaqmay si sharci darro ah ama aqoonta shaqada ka soo horjeeda, waa inaad ka fekertaa sameynta cabasho rasmi ah.
Waxa sharcigu leeyahay
Dembiyada mulkiilayaasha iyo wakiilada
Sida loo sameeyo cabashada Adeega
Sameynta cabbasho qoraal ah
Warqad cabashada ee tusaalaha ah
Xaggee kale oo aad Ku sameyn kartaa cabasho?
Residential Tenancies Act 1997 Wuxuu dejiyey xuquuqda iyo waajibaadka kireystaha iyo mulkiilaha Victoria. Haddii mulkiilaha ama wakiilkoodu uu galo dembi sharciga hoos imanaya, waxaa maxkamada hoose geynaya Consumer Affairs Victoria haddii lagu xukumo dembiga waa la ganaaxi karaa. Si kastaba ha ahaatee adiga ayay ku jirtaa inaad sameyso cabashada oo aad weydiiso consumer affairs inaad dacweyso.
wakhtiga dacwada ee xaddidan waa 12 bilood ama 3 sanno (iyadoo ku xiran dembiga), oo ka bilaabaneysa taariikhda dembiga la galay. Si kastaba ha ahaatee waxaan ku talineynaa inaad si dhakhso ah tallaabo u qaado
Mulkiilahaaga ama wakiilku waxay galeen dembi haddii aysan ku siin dukumiintiga lagama maarmaanka ah bilowga kireysigaaga oo ay ku jiraan:
[list type=”square_list”]
[/list]
Dembiyada kale waxaa ka mid noqon kara:
[list type=”square_list”]
[/list]
Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan dembiyada mulkiilayaasha ama wakiilada, la xiriir Tenants Union/Tenants Victoria.
Consumer Affairs Victoria’s Estate Agent Resolution Service (EARS) waxay maamushaa cabashooyinka ku saabsan wakiilada guryaha Victoria. Adeega waxaa loo aasaasay inuu caawiyo macaamiisha,ay ku jiraan kireystayaasha ay isku afgaran la’ yihiin wakiilkooda. Waxaad kala xiriiri kartaa EARS 1800 500 509.
EARS waxay bixin kartaa macluumaad, tallo iyo xallinta muranka. Haddii aan lagaari karin xal, EARS waxaa laga yaabaa inay u gudbiso isafgaranwaaga Compliance and Enforcement at Consumer Affairs Victoria.
Haddii aad rumeysan tahay in mulkiilahaagu ama wakiilka guryuhu inuu galay dembi, waxaad warqad u qori karaa Arimaha Macaamiisha ee Victoria (ka eeg warqad tusaale ah xagga kale). Xasuuso inaad ku lifaaqdo nuqulo ah wixii dukumiinti ah ee khuseeya arintan. Waxaad sidoo kale ku soo xareyn kartaa cabashada interneetka ah www.consumer.vic.gov.au
Arimaha Macaamiisha waa inay warqad dib kuugu soo qoraan laba toddobaad gudahood oo ay ku xaqiijinayaan inay heleen warqadaada. Haddii ay kuu sheegaan inayan arintan baadhi doonin, oo aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah, la xiriir Ururka Kireystayaasha. Haddii ay go’aansadaan inay baaraan, way kula soo xiriiri doonaan si ay kaaga qoraan qoraal rasmi ah.
Haddii Arimaha Macaamiishu ay go’aansadaan inay dacweeyaan, waxaa laga yaabaa inaad maxkamada tagto markhaati ahaan oo aad maxkamada caddeynta ka hor sheegto.
Waxaan soo socdaa waa warqada cabashada ee tusaalaha ah ee ku socota Arimaha Macaamiisha Victoria:
Consumer Affairs Victoria
GPO Box 123
Melbourne VIC 3001
(magacaaga)
(cinwaankaaga hadda)
(taariikhda)
Mudane ama Marwo
Cabasho ku saabsan (mulkiile/wakiilka guryaha)
Mulkiilaha: (magaca iyo cinwaanka mulkiilaha dembiga gelaya haddii ay ku haboon tahay)
Wakiilka Guryaha: (magaca iyo cinwaanka wakiilka dembiga gelaya haddii ay ku haboon tahay)
Guriga: (cinwaanka guriga la kireystay)
Sida (kireystaha/kireyste hore) ee guriga kore, waxaan jecelahay inaan xareeyo cabasho ku saabsan falalka (magaca mulkiilaha iyo/ama wakiilka guryaha). Waxaan rumeysan ahay inay jirto jebinta Residential Tenancies Act 1997( tax lambarada qaybta sharciga haddii aad taqaan).
(Sharax falalka ama dhacdooyinka keenay cabashadaada oo ay ku jiraan magacyada, cinwaanada, wakhtiyada, taariikhaha iwm)
Fadlan halkan waxaan idiinku soo lifaaqay nuqulada dukumintiyada soo socda (tax wixii dukumiintiyo ah ee khuseeya ee aad ku lifaaqayso warqadan).
Waxaan codsanayaa inaad si dhakhso ah u baartaan arintan idinkoo u arkaya dacwad. Waxaan dhawrayaa jawaabtiina degdega ah. Haddii aad u baahataan macluumaad dheeraad ah fadlan igala soo xiriira (lambarka taleefankaaga hadda)
Waa daacadaadii
saxiixaaga
Adigoo taleefan u diraya EARS iyo/ama warqad u qoraya Consumer Affairs Victoria, waxaad sidoo kale u leedahay xaq inaad ka sameyso cabasho ku saabsan mulkiilahaaga ama wakiilkaaga:
Victorian Equal Opportunity & Human Rights Commission of Victoria
1300 292 153
(wixii ah dhibid ama kala soocid )
Federal Privacy Commissioner
1300 363 992
(wixii ah khalad u isticmaalida macluumaad qarsoodi ah)
Booliiska Victoria
(wixii ah falal dembiyeed ama dabeecad)
[box type=”warning”]Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.[/box]
Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ama caawimaad, fadlan nala soo xiriir.
Complaints about landlords and real estate agents | Somali | September 2011