Coronavirus (COVID-19) update: Temporary changes to Victoria’s laws on renting homes. Find out more
Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.
Haddii mulkiilahaagu rumeysan yahay in aadan fulin mid ama wax badan oo ah waajibaadkaaga hoos imanaya Residential Tenancies Act 1997, waxay ku siin karaan Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka.
Waa maxay waajibaadka kireystayaashu?
Waa maxay waxa ah inuu ku jiro Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka?
Magdhowga iyo amarada raacitaanka
Ogeysiiska Ka bixida
Siinta mulkiilahaaga Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka
Liiskan soo socdaa wuxuu ku tusayaa waajibaadka kireystaha ee hoos yimaada Sharciga. Iyadoo la eegayo waajibaadkaas, kireystuhu waa inuu:
[list type=”square_list”]
[/list]
Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka waa ogeysiis toos ah oo ah inaad joojiso ‘jebinta waajibaadkaaga’ kireyste ahaan iyo/ama ku bixin magdhow 14 maalmood gudahood ka dib markaad hesho ogeysiiska. Haddii aadan ku bixin, mulkiiluhu waxaa laga yaabaa inuu ka dalbado Victorian Civil and Administrative Tribunal amar ah inaad sidaas sameyso
Si uu u noqdo wax sax ah, ogeysiiska Jebinta Waajibaadku waa inuu:
[list type=”square_list”]
[/list]
waxaa jira kala duwanaan u dhaxeysa jebinta waajibaadka iyo jebinta heshiiskaaga kireysiga (ijaar). Tusaale, heysashada xayawaanka la korsado waxay noqon kartaa jebinta heshiiskaaga kireysiga laakiinse ma aha jebinta waajibaadka ee hoos timaada Residential Tenancies Act 1997. Mulkiiluhu kuma siin karo Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka xilliga heshiiskaaga kireysiga. Laakiinse waxay ka dalban karaan Maxkamada amarka raacitaanka sharciga.
Haddii mulkiiluhu ka dalbado Victorian Civil and Administrative Tribunal wixii ah magdhwo iyo/ ama amarka raacitaanka, waa inay kuu soo diraan nuqulka foomka codsigooda. Ka dib waxaad ka heli doontaa Ogeysiinta Dhageysiga Maxkamada oo kuu sheegaysa wakhtiga, taariikhda iyo goobta maxkamadu ka dhaceyso. Haddii aad dooneysid inaad ka doodo wuxuu sheeganayo mulkiiluhu waxaad u baahan tahay inaad tagto dhageysiga maxkamada. Haddii aadan aadin maxkamada, way soconeysaa maxkamadu adiga la’aantaa waxayna u egtahay in mulkiiluhu ku guulaysan doono wuxuu kugu sheeganayo.
Dhageysiga maxkamada waxaa lagu siin doona fursad aad uga doodo wuxuu sheeganayo mulkiiluhu iyo/ama in qadarka magdhowga ah la yareeyo.
Marka mulkiiluhu uu doonayo inuu ka dhaadhiciyo Maxkamada inaad jebisay Residential Tenancies Act 1997 iyo inuu siiyo maxkamada caddeymo xaqiijinaya waxay sheeganayaan, waa inaad u diyaargarowdaa inaad is difaacdo (tusaale, adoo keenaya sawiro, markhaatiyaal ama qoraalo markhaati). Wixii macluumaad dheeraad ah ka eeg warqadaha xaqiiqda, Defending a compensation claim iyo The Victorian Civil and Administrative Tribunal ama la xiriir Tenants Union/Tenants Victoria wixii tallo ah.
Haddii mulkiiluhu uu rumeysan yahay inaadan ku hagaajin waxaad jebisay 14 maalmood gudahood ka dib markay ku siiyeen Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka, waxay ku siin karaan ogeysiiska labaad iyo/ama ay ka dalban karaan Victorian Civil and Administrative Tribunal amarka raacida sharciga. Haddii maxkamadu sameyso amar u roon mulkiilaha oo aadan fulin, mulkiiluhu wuxuu ku siin karaa Ogeysiis Ka bixid ah oo 14 maalmood ah.
Consumer Affairs Victoria ayaa kugu dacweyn karta ku guuldareysiga inaad raacdo amarka Maxkamada, tani waxay khuseysaa labada amarada lacagta ah iyo kuwa aan lacagta ahaynba. Wakhtiga la daabacayo ganaaxu waa $2442.80 iyo $610.70 maalintii ilaa amarka laga raaco, ugu badnaan $7328.40.
Mulkiiluhu wuxuu sidoo kale ku siin karaa Ogeysiis Ka bixid ah oo 14 maalmood ah isagoon Maxkamad tegin haddii aad jebiso isla waajibaadkaas markii saddexaad, iyo iyadoo labada jeer ee horeba lagu siiyey Ogeysiinta Jebinta Waajibaadka oo sax ah.
Kireyste ahaan waa siin kartaa mulkiilahaaga Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka haddii aad rumeysan tahay inay jebiyeen waajibaadkooda hoos imanaya Residential Tenancies Act 1997. Ka eeg warqada xaqiiqda Giving your landlord a Breach of Duty Notice Complaints about landlords and real estate agents wixii macluumaad dheeraad ah.
[box type=”warning”]Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.[/box]
Cabashooyinka ku saabsan mulkiilayaasha iyo wakiilada guryaha
Difaacida dalabka Magdhowga
Siinta mulkiilahaaga Ogeysiiska Jebinta Waajibaadka
Maxkamada Maamulka & Madaniga Victoria
Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ama caawimaad, fadlan nala soo xiriir.
When you get a Breach of Duty Notice | Somali | September 2011