Coronavirus (COVID-19) update: Temporary changes to Victoria’s laws on renting homes. Find out more
Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.
Markaad raadineysid guryaha kirada ah ee gaarka ah, waxaa jira dhawr waxyaalood oo loo baahan yahay inaad tixgeliso ka hor iyo intaad ku jirto raadinta gurigaaga ku xiga.
Kharashka ijaarka
Meeshaad eegaysid
Ballansiga soo eegitaanka
Soo eegida guriga kirada ah
Codsashada guryaha kirada ah
Jeegareynta tixraaca Deyn bixinta
Keydadka kireystayaasha
Haddii codsigaagu guuleysto
Adeegyada soo xiridooda tasiilaadka
Miisaaniyad deji ka hor intaadan bilaabin raadinta meel aad kireysato. Ku dar dhammaan kharashaadka bilowga ah oo ay ku jiraan:
[list type=square_list]
[/list]
Jeegaree haddii aad xaq u leedahay caawimaada lacageed sida:
Kharashaadka joogtada ah waxaa ka mid ah ijaarka, biilasha iyo ceymiska guriga waxa yaal. Waxaad sidoo kale u baahaneysaa inaad tixgeliso kharashaadka safarka joogtada ah. Haddii aadan heli karin meel ama aadan awoodin inaad kireysato meel u dhow shaqada, dugsiga ama jaamacadda, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad miisaaniyad u sameysato kharashaadka safarka.
Haddii ay suurtogal tahay, ijaarkaagu waa inuusan ka badan boqolkiiba 25 dakhligaaga.
Waxaa jira dhawr meelood oo aad ka eegi kartid liisaska guryaha adoo maraya wakiilada guryaha kireeya oo ah meel wanaagsan oo aad ka bilaabi kartid.
[list type=square_list]
[/list]
Guryaha kirada ee gaarka ah ama guryaha la wadaago badanaa waxaa lagu xayeysiiyaa:
[list type=square_list]
Si aad u soo eegtid guri lagu xayeysiiyey wakiilka guryaha kireeya waxaad u baahan doontaa inaad bixiso debaajiga furaha in laguu dhiibo. Taasina badanaa waa $50, laakiin waxay mar marka qaarkood noqon kartaa $100 (waa inaad hubisaa inaad weydiisato caddeyn). Lacagtaada waxaa laguu soo celinayaa markaad furaha soo celiso.
Sidoo kale waa fiker wanaagsan inaad sii qaadato aqoonsi sawir leh, maadaama aad u baahan doonto ID sawir lehka hor intaan furaha lagu siin. Wakiilka waxaa laga yaabaa inuu sawirto ID –gaaga oo uu heysto nuqul intaad soo eegeyso guriga. Haddii ay sameeyaan nuqul, waxaad weydiisan kartaa inay ku siiyaan markaad furaha soo celiso.
Wakiil ama mulkiilaha waxaa laga yaabaa inuu marmarka qaarkood qabto ‘soo eegida furan’, taas oo micnaheedu yahay in laga yaabo inaad isku mar soo eegtid guriga dad kale. Soo eegitaanka furan badanaa waa 30 daqiiqo oo kaliya saa daraadeed waa muhiim inaad guriga timaado wakhtiga loo qorsheeyey. Looma baahna inaad lacag bixiso si aad guriga u eegto umana baahnid inaad debaaji bixisid.
Iska ilaali in wakiilka guriga ama mulkiiluhu inay dadka fiirinayaan albaabka ka soo gala saa daraadeed waa inaad muujisaa muuqaal wanaagsan lacala haddii aad go’aansato inaad guriga codsato.
Guriga ka wada eeg, labadaba gudaha iyo bannaanka. Hubi inaad ku faraxsan tahay guriga ka hor intaadan saxiixin heshiiska kireysiga ( ijaarka) ama aadan bixin wax lacag ah. Xasuuso in mar haddii aad saxiixdo heshiiska kireysiga waxaad ku aqbashay guriga siduu yahay. Tusaale ahaan, haddii uusan guriga lahayn kuleyliye markaad saxiixeyso heshiiska kireysiga, mulkiilaha khasab kuma aha inuu ku siiyo kuleyliye. (Si kastaba ha ahaatee, mulkiilaha waa inuu dayactiraa wax kasta oo guriga hadda ku jira oo waxyeelaysan ama si hagaagsan u shaqeynaynin.)
Wixii macluumaad dheeraad ah eeg Liiska jeegareynta ee Soo eegida Guriga.
Shirkadaha ceymiska badidoodu kuma siin doonaan ceymiska alaabta guriga ilaa ay daaqaduhu leeyihiin fure lagu xiro mooyee albaabadana la qafili karo.
Kadib markaad soo eegto guriga oo aad go’aansato inaad jeceshahay, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso foom.
Waxaa laga yaabaa in su’aalo lagaa weydiiyo ku saabsan:
[list type=square_list]
[/list]
7 Haddii aad Australiya ku cusub tahay, waxaa laga yaabaa inaadan heysan dhammaan dukumiintiga lagu weydiistay. Wixii macluumaad dheeraad ah eeg Ka kireysiga Guri Victoria: Tuse loogu talagalay qaxootiga iyo dadka soogalootiga ah ee dhawaan yimid oo looga heli karo 14 luuqadood Tenants Union of Victoria ama Consumer Affairs Victoria.
Waa sharci daro inuu mulkiiluhu ama wakiilka guryaha kireeya inay ku kala soocaan dadka:
[list type=square_list]
[/list]
Waa sharci darro inuu mulkiiluhu ama wakiilku kala sooco kireystayaasha carruurta leh, si kastaba ha ahaatee Residential Tenancies Act 1997 wuxuu u ogolaanayaa mulkiilaha ama wakiilka inuu diido u ogolaanshaha.
[list type=square_list]
[/list]
Haddii aad u malaynaysid in lagu midab soocay, waxaad ku soo xareyn kartaa cabasho Victorian Equal Opportunity & Human Rights Commission 1300 891 848.
Wakiilada guryaha kireyaa waxaa laga yaabaa inay doonaan inay jeegareeyaan taariikhdaada deyneed. Sharcigu uma ogola inay jeegareeyaan macluumaadka Deynta Macaamiisha. La xiriir Tenants Union wixii tallo ah haddii wakiilka guryaha kireeyaa uu ku adkeysto inuu jeegareeyaa tixraaca deynta.
Wakiilada guryaha kireeya mar marka qaarkood waxay isticmaalaan keydka macluumaadka ee kireystaha si loo jeegareeyo in laguu diiwaangeliyey inaad leedahay taariikh xun oo kireysi. Haddii mulkiile ama wakiil uu badanaa isticmaalo keydka macluumaadka kireystayaasha si loo qiimeeyo codsiyada kireysiga, waa inay tan kugu soo wargeliyaan qoraal wakhtigaad codsato – inay isticmaalayaan iyo in kale.
Haddii la helo liiska, mulkiiluhu ama wakiilku wuxuu heystaa 7 maalmood inuu kugu soo ogeysiiyo liiska oo uu kuu sharxo sida looga saari karo ama loo sixi karo. Wixii macluumaad dheeraad ah eeg warqada xaqiiqda ee Keydka Kireystayasha.
Haddii uu ogolaado mulkiiluhu inuu kaa kireeyo guriga, waxaa lagu siin doona Residential Tenancy Agreement (Ijaar) si aad u saxiixdo. Kani waa qandaraas sharci ah saadaraadeed waa inaad u akhrisaa si taxadar leh oo aad hubisaa inaad ku faraxsan tahay ka hor intaadan saxiixin.
Qaar ka mid ah wakiilada guryuhu waxay bixiyaan adeega soo xiritaanka tasiilaadka si aad u hesho gaaska, korontada, biyaha, taleefanka iwm oo lagu soo xirayo magacaaga.
Ka taxadar saxiixida heshiis kasta oo ku saabsan tasiilaadka. Jeegaree shuruudaha iyo wixii lacag shuruud ku xiran ee lagaa qaadi doono. Wax waajib ah kaama saarna inaad isticmaasho adeegan waxaana laga yaabaa inaad hesho adeeg ka fiican haddii aad kuwo badan isu marto oo aad soo xiritaanka tasiilaadka aad adigu sameysato. Wixii macluumaad dheeraad ah ee warqada xaqiiqda eeTasiilaadka.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan heshiisyada kireysiga, kirada , debaajiga iyo tixgelinaha kale markaad bilaabeysid kireysiga, eeg warqada xaqiiqda ee Bilaabida Kireysiga ama kala xiriir wixii tala ah Ururka Kireystayaasha
[box type=”warning”]Macluumaadkan waa tusaale kaliya waana inaan loo isticmaalin oo kaliya bedel ahaan tallo sharci oo aqoon leh.[/box]
Bilaabida kireysiga
Keydka macluumaadk kireystayaasha ama “liisaska madow”
Kharashaadka tasiilaadka la isticmaalo
Haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah ama caawimaad, fadlan nala soo xiriir.
Applying for a private rental property | Somali | September 2011